Taliska ciidanka xoogga dalka oo ka hadlay dagaal culus oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe

by admin | Tuesday, Sep 5, 2023 | 77 views

Taliyaha Ciidanka Lugta Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay dagaal culus oo Shalay ku dhexmaray deegaanka Daarunicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo kooxda Al-shabaab.

Sareeyo Guuto Axmed Aadan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ciidanka xoogga iyo kuwa dadka deegaanka ay iska difaaceen weerar shabaab ay kusoo qaaday deegaanka Daarunicma, islamarkaana ciidanka ay khasaare xoogan ku gaarsiyeen Al-shabaab.

“Ciidanka xoogga iyo kuwa dadka deegaanka waxan uga mahadcelinaya sida geesinimada leh oo ay isaga difaaceen weerarka Shabaab, cadawga deegaanka wuu soo hajuumay lakin cashir ayaa loo dhigay walina ciidankeena way sii baacsan hayaan” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Lugta Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali .

Deegaanka Daarunicma ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee laga xureeyay Ururka Al-shabaab, waxaana xusid mudan in kooxda tan iyo markii laga saaray deegaankan ay dhowr jeer kusoo qaaday weeraro ay ku dooneyso iney dib ugu qabsato deegaankaan.

Si kastaba ha ahaatee Al-Shabaab dhankooda waxay sheegteen iney la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Daarunicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana ay cagta mariyeen ciidamada ku sugnaa halkaasi, inkastoo sheegada Shabaab aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijijaya.

Like it? Share it!

Leave A Response