Hiba Nuura: “Axmed Naaji waxa uu ahaa Mu’alif, Mulaxam, Mukhrij & Musishan & Heesaa Dalka jecel”.

by admin | Tuesday, Sep 5, 2023 | 70 views

Hiba Maxamed Cuddoon (Hiba Nuura) oo kamid ahayd fannaaniintii hoballada Qaranka Waaberi ayaa tacsi kaddib waxa ay ka xog-warrantay taariikhda Allaha u naxariiste Ustaad Axmed Naaji Sacad oo fanka ku jiray waqti dheer oo xalay ku dhintay Dalka Ingiriiska.

Hiba Nuura waxa ay Axmed Naaji ku tilmaamtay in uu ahaa Mu’alif wax curiya, Mulaxam oo laxanka heesaha saara, Musishan kabanka tuma & heesaa qaaday suugaanta Jacaylka iyo kuwa Waddaniga ah xiligii bari-samaadka iyo burburkii Dowladdii Militariga ahayd kaddib.

“Fannaan Axmed Naaji qof weliba oo Soomaali ah baa og waxa uu ahaa, heerka ugu sarreeya Waaberi ama fannaan Soomaaliyeed waxa aan ku sifeynayaa oo uu ahaa Mu’alif, Mulaxam, Mukhrij & Musishan & Heesaa Dalka jecel, waxaa aad ugu dheeraa Soomaalinimada” ayay tiri Hiba Nuura.

Axmed Naaji marka laga soo gudbo fanka waxa uu ahaa aqoonyahan wax bartay & ganacsade isaga oo dhammaan saddexdaas dhinac waqtigiisa u kala qaybiyay sida ay sheegtay Hiba Maxamed Cuddoon Hiba Nuura.

Waxa ay intaas ku dartay in uu ahaa qof dhiirrageliya dadka kuna muujiya heerka uu gaarsiisan yahay ama uu ka garanayo raadka uu hayo iyada oo ugu dambeyn Hiba Nuura sheegtay in uu Axmed Naaji banneeyay boos laga tabi doonno.

“Axmed Naaji waxa uu ahaa nin aad u qaali ah, fanka marka uu soo galayay waxa uu ahaa nin Ganacsi leh, waxbartay oo isoo gacan-qabtay waqtigeyga, waxa uu aad iyo aad u jeclaa codkeyga & in uu kabanka ii tumo, waxa uu igu oran jiray ‘waxa aad tahay Horyaal’ taasoo iiga dhigayay dhiirragelinayay” ayay tiri Hiba Nuura.

AHUN Axmed Naaji Sacad ayaa xalay ku dhintay Magaalada London ee Caasimadda Dalka Ingiriiska, waxa uu fanka ku jiray in ka badan 50-sano, waxaana uu aasaasay koox faneen suugaanta ku cabirta hadba heerka uu dalka joogo.

Like it? Share it!

Leave A Response