Maxamed Cabdi Waare oo ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

by admin | Tuesday, Sep 5, 2023 | 108 views

Maxamed Cabdi Waare, Madaxweynihii hore ee Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ahna Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada ayaa ka digay in la siyaasadeeyo dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyadu ku dhawaaqeen.

Waxa uu dhaliil kala dul dhacay siyaasiyiin badan oo falcelinta ay ka sameynayaan dagaalladaas uu ku sifeeyay in ay tahay mid dhibaato ku ah Ciidamada & guud ahaan howlgallada socda sidaas awgeed mar weliba looga baahan yahay in ay eegaan maslaxada Dalka.

Waare ayaa sheegay in la dhaliili karo oo laga aragti duwanaan karo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud balse aanay habbooneen in la isku dhex daro dhaliishaas & dhibaatooyinka ka hor imaan kara howlgallada.

“Nimanka Siyaasiyiinta ah ee Dalka & dibadda jooga waxa aan leeyahay ilaahay ka cabsada, war ilmo ayaad leedihiin, waddankaan ayaa rabtiin in aad xukuntiin ama soo xukunteen, rajo ayaa idinku jirta, Xasan Sheekh in uu fashilmo darteed haka shaqeynina in wiilal Soomaaliyeed loo laayo, waddan kale ma qabno, wax noo baddelaayo lama arko, Xasan Sheekh Mucaarada haddii aad rabtiin balse waddanka iyo Wiilashada Soomaaliyeed u naxa, Qofka uu dagaal ku jiro ee aad bannaanka ka joogtid meelaha qaar laguma dhufto” Sidaasi waxaa yiri Maxamed Cabdi Waare.

Dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee ay ku dhawaaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa inta badan garab istaag u muujiyay Mas’uuliyiin, Siyaasiyiin, Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Duubabka dhaqanka iyo shakhsiyaad kale.

Waare ayaa ku eedeeyay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) in uu yahay ninka ugu weyn ee fashilinaya howlgalka la doonayo in kooxda As looga xureeyo Galmudug iyo Hirshabelle.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay wasiirka falal danbiyeedyo culus oo ay ka mid yihiin in ku lug lahaa weerarkii Galcad ee bilowgii sannadkan lagu diley ciidamo badan oo ka tirsanaa Danab, kuwaas oo uu ka mid yahay taliye kuxigeenkii ciidanka Danab Xasan Tuure.

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa sidoo kale ku eedeeyay wasiirka gaashaandhigga guuldaradii iyo khasaarihii ciidanka kasoo gaaray weerarkii Cowsweyne, waxa uuna tilmaamay ammaro khaldan uu wasiirku bixiyay ka dhasheen dhibaatooyin badan.

Wareysiga ayuu sidoo kale Waare ku sheegay in wasiirka lacago badan ku bixiyo fishilinta howlgalka uuna lacag u qeybiyo saraakiisha furumaha dagaalka joogta, waxa uuna xusay in uu hayo cadeymo badan oo ku aadan wasiirka iyo doorkiisa fashilinta howlgalka.

Madaxweynihii hore ee Hirshabelle ayaa wareysiga uiu bixiyay sidoo kale sheegay in xubno badan oo kamid ah saaxiibada madaxweyne Xasan Sheekh xilalna ka haya dowladda in fashilinayaan siyaasadiisa la dagaallanka kooxda As.

Like it? Share it!

Leave A Response