Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo baaq kasoo saaray dagaal Beeleedyadda

by admin | Sunday, Dec 30, 2018 | 1109 views

Gudiga dib uheshiisiinta qaranka oo maanta shir jaraid warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay baaq nabadeed udireen beelaha walaalaha ah ee kudagaalamaya qaar kamid ah gobolada dalka .

Ismaaciil macalin muuse Gudoomiyaha Gudiga dib uhishiisiinta qaranka ayaa waxa uu baaq nabbadeed udiray beelaha walalaha ah ee  kudagalamaya degaanada qaar ee gobalada , Galgaduud, Hiiraan , Habeelaha hoose iyo Shabeelaha dhaxe .

Waxa uu ka dalbaday Culuma udiinka , iyo odayaasha dhaqanka ee kunool gobaladaasi in ay ku baxaan dadka ay dirirtu kadhaxaeyso ayna ufidiyaan gogol nabadeed .

Degmada maxaas ee gobolka hiiraan iyo degaanka kaxandhaale ee gobalka Galgaduud ayaa mudooyinkii dambe waxaa ka jiray dagaal beeleedyo udhaxeeya beelaha walalaha ah ee gobahaasi wada dega .

Like it? Share it!

Leave A Response