Wasiir Sabriye oo loo diiday in lagu wareejiyo Askar Itoobiyaan ah

by admin | Monday, Dec 31, 2018 | 788 views

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wafdi uu hoggaaminaayay oo gaaray degmada Galinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa loo diiday in lagu wareejiyo Ciidan Itoobiyaan oo ay soo qabteen Maleeshiyo Beeleed.

Labo Askari oo Itoobiyaan ayaa shalay galinkii dambe waxaa lagu wareejiyay Waxgarad ka yimid dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxaana Maxaabiistaasi wareejiyay waxgarad ka socday degmada Galinsoor iyo Wasiiro ka tirsan Galmudug.

Wafdiga dowladda ayaa u dirtay Xalinta dhibaatada ka taagan degaanka Kaxandhaale ayaa dib ugu soo laabtay degmada Cadaado ee Galmudug.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale maanta ay degaanka Kaxandhaale ay dhici doonto Munaasabad ay garwadeen ka yihiin waxgaradka dowlad degaanka Soomaalida oo lagu wareejinaayo hub ay leedahay dowladda Itoobiya oo Galmudug lagu heystay.

Mas’uuliyiintii dowladda Soomaaliya ay  u dirtay degaanka Galinsoor ayaa Ku guuldareystay in ay wali xal ka gaaraan labadda dhinac, waxaana muuqata in waxgaradka labadda Beelood ay waddaan dadaallo lagu heshiisiinaayo Maleeshiyaadka dagaallamay.

Like it? Share it!

Leave A Response