Guddiga Doorashada Koofur Galbeed oo maanta yeelanaya kulan gaar ah

by admin | Monday, Nov 12, 2018 | 778 views

Guddiga doorashada Madaxtinimada dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay kulan ka yeeshaan doorashada madaxtinimada degaankaas.

Ujeedka kulanka guddigaan ayaa ah sidii ay usoo dhameystiri lahaayeen xubnaha ka maqan oo boosaskooda ay baneeyeen xildhibaano gaaraya 15-xubnood, kuwaas oo is casilay.

Guddiga ayaa ka koobnaa 27-xubnood, Baarlaamanka koofur Galbeed ayaa ansixiyay 21-kii bishii Oktoobar sanadkaan.

15-ka xubnood ee ku haray Guddiga ayaa ku adkeysatay in Doorashada ay dhici doonto 17-ka Bishaan oo ku beegan todobaadka soo socda.

Habraacii ay dejiyeen Guddiga doorashada ayaa waxaa  jadwalka ka mid ahayd in maanta oo ay bishu tahay 12 ay Musharrixiinta billaabaan jeedinta Khudbadaha ay uga hadlayaan qorshaooda.

Waxaa ay u badan tahay in kulanka maanta ay Guddiga dib u dhigaan waqtiga doorashada maaddaama wali aysan Musharrixiin badan is diiwaangelin,Guddiga  doorashada dhameysttirneyn sidoo kalena la galay qeyb ka mid ah jadwalkii doorashada

Like it? Share it!

Leave A Response