Madaxweyne Xaaf oo Ka hadlay Dagaal Beeleed iyo Dilal ka dhacay Galmudug.

by admin | Monday, Nov 12, 2018 | 771 views

Madaxda Galmudug oo ka hadlay Dagaal Beeleed iyo Dilal ka dhacay Deegaanada Maamulkaas.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay dagaal beeleed iyo dilal ka dhacay Goboalda Galgaduud iyo Mudug.

Madaxweyne Xaaf ayaa ugu baaqay Odoyaasha Maleeshiyaad Beeleed maanta ku dagaalamay Deegaan hoos taga Degmada Balanbal in ay xal u raadiyaan daminta Xiisadda dagaalka ka dhalatay.

Waxa uu intaa ku daray in aan Maamulkooda heysan Ciidamo ay u diraan Deegaanada ay ku dagaalamayaan Maleeshiyo beeleedyada, sababta waxa uu ku sheegay in Dowladda Federaalka ay dhegan tahay.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Ciidamada Booliiska iyo Nabad sugidda Galmudug in aan adeegsan Dowladda iyagane ay kahor taagan tahay sida uu hadalka u dhigay.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa dhankiisa sheegay in aan Xiligaan loo baahneen in ay is dilaan Dad ehel ah oo dhaqan iyo dhiig wadaaga.

Dagaal Beeleedkaan ayuu sheegay in ay soo noq-noqdeen, Odoyaasha dhaqanka, Culimada iyo dhammaan cid waliba oo ka qayb qaadan karto kala dhex galista waxa uu ka dalbaday in ay u istaagaan.

Ka maamul Ahaan Shiikh Shaakir ayaa tibaaxay in kasoo dhalaali doonaan Kaalintooda ku aadan saminta Dagaal Beeleedka ka dhacay Degmada Balanbal ee Gobolka Galgaduud

Like it? Share it!

Leave A Response