Amar lagu rogay Saldhigyadda Booliska Muqdisho

by admin | Tuesday, Nov 13, 2018 | 792 views

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow oo xalay kormeeray qaar ka mid ah saldhigyadda Magaalada Muqdisho ayaa taliyeyaasha Saldhigyadda ku Amray in ay laba Jibaaraan Ammaanka caasimada.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Taliyeyaasha Saldhigyadda ay shaqooyinka loo diray u qabtaan si hufan si looga hortaggo falalka Amni daradda ee ka dhaca Muqdisho.

Wasiir Islow ayaa taliyeyaasha u sheegay in lagula xisaabtami doono Ammaanka degmooyinka ay ka taliyaan waxaana uu sidoo kale ka codsaday ay ka shaqeyaan in wada shaqeyn ay dhexmarto Ciidamada Ammaanka iyo Shacabka degmooyinka.

Dhanka kale Ciidamada Ammaanka ayaa howlgallo ay ka sameeyeen degmada Waabari, waxa ay kusoo qabtaan xubno lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab.

Howlgallka oo laga fuliyay inta badan Xaafaddaha degmada Waabari ayaa u jeedkiiso ahaa in lasoo qabto Kooxaha dilalka ka geysta degmada Waabari.

Like it? Share it!

Leave A Response