Wararkii ugu dambeeyay Shabaab ku dagaalamay Jilib

by admin | Tuesday, Nov 13, 2018 | 33 views

Warar dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dagaal  Magaalada Jilib ee Gobolka Jubadda dhexe, ku dhexmaray xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana wararkii ugu dambeeyay ay sheegayaan in xaalad kacsanaan ah ay ka jirto degmada Jilib.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka dagaalka ayaa yimid kadib markii Shabaab ay ka shakiyeen rag Soomaali ah iyo rag Ajaanib ah oo ku sugan Magaalada Jilib, kuwaasi oo looga shakiyay inay xiriir la leeyihiin Kooxda Daacish.

Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay  ku weerartay masaajid ku yaalla magaalada Jilib  mid ka mid ah  ajaanibta ee la joogta Al-Shabaab oo  la sheegay inuu diiday inuu is dhiibo.

Ninka diiday in uu is dhiibo ayaa la sheegay in uu bambo uu lasoo baxay kadibna ay toogteen Al-Shabaab.

Ninka la toogtay ayaa magaciisa lagu sheegay Abu Anas Al-Misri, waxaana la sheegay inuu u dhashay dalka Masar.

Ciidamada Shabaab ayaa xiray rag badan oo Soomaali ah, kuwaasi oo ay kaga shakiyeen inay xiriir dhow la leeyihiin Daacishta Soomaaliya, waxaana Magaalada Jilib ka taagan xiisad Shabaab dhexdooda ah.

Xubnaha la xiray ayaa la sheegay inuu ka mid yahay Macallin Daauud oo la sheegay inuu horey u ahaan jiray madaxa dacwada ee Gobolka Gedo, Waxaa kaloo ka mid ah mid ka mid ah weriyayaasha u shaqeeya ururka Al-Shabaab.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa xubnaha ka tirsan ay ka go’een Al-Shabaab sannadkii 2015-ka, waxaana ururka Al-Shabaab ay dileen xubnaha lagu tuhunsanaa inay ka tirsan Daacish.

Like it? Share it!

Leave A Response