Guddiga jubbaland u qaabilsan ka hortaga COVID19 oo War soo saarey

by admin | Sunday, Apr 19, 2020 | 499 views

Xubnaha Guddiga ka hortaga Cudurka Coronavirus ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa ay Warbixin kasoo saareen Ruux looga shakiyey Cudurka COVID-19 kaas oo baaritaan lagu sameeyey.

Ruuxa laga shakiyey oo ku sugan degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa Guddiga waxaa ay sheegeen in dheecaan laga qaadey loo direy Kenya,hayeeshee ugu dambeyn natiijada soo gaartey Guddiga ay noqotay in laga waayey Cudurka.

Sidoo kale Guddiga ka hortaga Cudurka COVID19 ee Jubbaland waxaa ay sheegeen in markii hore ruuxaasi lagu arkey calaamaha Cudurka Coronavirus,balse baaritaan dheer kadib laga waayey Cudurka COVID-19 ee laga baarey.

Guddiga ayaa dhawaan shaaciyey in laba qof oo ku sugan Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland laga helay Cudurka Coronavirus,waxaana warar soo baxayay ay sheegayaan in labadaasi qof oo rag ahaa ay baxsadeen.

Like it? Share it!

Leave A Response