Laamiyada Koonfur Afrika oo ay libaaxyo ku laafyoonayaan{sawiro}

by admin | Saturday, Apr 18, 2020 | 1009 views

Raxan libaaxyo ah ayaa lagu arkay waddooyinka seeraha qaran ee Kruger ee ku yaalla Koonfur Afrika kaddib markii dalkaas Bandow lagu soo rogay dalkaas si looga hortaggo faafitaanka Covid-19.

Richard Sowry oo waardiye ka ah seerahan ayaa sawirro kasoo qaaday libaaxyada xilli uu howlgal ka sameynayay halkaas.

Libaaxyada ayaa hurdayay waddo cidlo ah oo horey u ahaan jirtay mid ciriiro ah ku caan baaxday dalxiisayaasha.

Dowladda Koonfur Afrika waxay xirtay seerayaasha ku yaalla dalkaas markii 25-kii bishii hore ay Bandow ku dhawaaqaday.

Sidee loo qaaday sawirrada?

Maadaama uu waardiye ka yahay mid kamid ah seerayaasha duur joogta ee ugu weyn Afrika, Mr Sowry wuxuu weli kasii shaqeeya seerahan isla markaana wuxuu duur joogta ka ilaaliyaa burcadda ugaarsatada ah.

Duhurnimadii Arbacada isagoo howlgal ka wada seeraha wuxuu sawirro ka qaaday libaaxyada oo u muuqday kuwo aan isaga war ka heyn, waxayna dhex jiifeen waddo cidlo ah.

Wuxuu sheegay in goosha ugu da’da weyneyd libaaxayd uu qiyaasay da’deeda 14 jir.

Mr Sowry wuxuu horey u arki jiray libaaxyada oo iska jiifa waddooyinka ku dhex yaalla seeraha xilliyada xagaaga ama qabowga.

Sida bandowga uu saameeyay seerahan

Lahaanshaha sawirkaRICHARD SOWRY/KRUGER NATIONAL PARK

“Xilli lagu guda jiro dhibaatada ka dhalatay coronavirus ma filayo in bandowga uu saameyn ku reebay duur joota”.

“Seeraha Kruger waa mid horey cido u aheyd haatan waa cidlo”

Wuxuu haatan ku faraxsan yahay in sawirrada libaaxyada uu la wadaago dadka aanan aadi karin seeraha kaddib cabsida ka dhalatay cudurka safmarka ah ee coronavirus.

“Horaan waxay u joogi jireen keymaha haatan waxay ku damaashaadayaan waddooyinka si ay uga faa’ideystaan xorriyadda maadaama halkaas aysan mashquul ahayn,” ayuu yiri Isaac Phaaala oo ah sarkaalka warbaahinta u qaabilsan seerahaas.

Koonfur Afrika waxay xaqiijisay 2,506 oo kiisaska coronavirus ah iyo 34 qof oo dhimasho ah, waana dalka uu saameynta ugu badan ku yeeshay cudurka ee qaaradda Afrika.     

Like it? Share it!

Leave A Response