Guddomiyaha Gobalka Hiiraan Yusuf Axmed Hagar ayaa maalintii Labaad ka biya diidsan wareejinta Maaliyadda Goballka Hiiraan

by admin | Tuesday, May 28, 2019 | 779 views

Waxaa Maalin ka hor lagu balamay in Maaliyadda Gobalka lagu wareejiyo Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle Maxamed Dheere,balse sheekadii oo dhan ayaa 48saac ee lasoo dhaafay is bedashay.

Guddomiyaha Gobalka Hiiraan ayaa sheegay in uu hayo Xanuun in kastoo dadka Falanqeeya Siyaasadda Gobalka aay aamin sanyihiin in Xanuun dhab ah uusan heyn Mr Dabageed,balse Xanuunkaasi uu sheegayo uu yahay qorshe Siyaasadeed oo daahsoon uu ku doonayo in uusan Si Rasmi ah Masuuliyada Maaliyadda Hiiraan uusan ugu wareejin Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle.

Waxaa Maanta lagu balamay in 11:Barqanimo Maaliyadda la wareejiyo waxaana diyaar ahaa wasiirka maliyadda wasiiro iyo Xildhibaano kale balse Guddomiye Dabageed ayaa arrintaasi u baajiyay sababo Caafimaad oo uu sheegtay.

Kulan Xasaasi ah oo looga hadlayo waxa laga yeelayo Guddomiyaha Gobalka Hiiraan Yusuf Axmed Hagar ayaa Caawa Madaxtooyada waxuu ugu socdaa Madaxweynaha Hirshabelle Wasiirka Arimaha Hirshabelle Xildhibaano iyo Wasiiro waxaana laga war dhoowrayaa Natiijada kalankaasi kasoo baxda.

Waxii warar dheeraad ah ee ku aadan arinkaan waxaad nagala socon doontaan goorwalba Codka Shacabka Soomaaliyeed

Like it? Share it!

Leave A Response