Guddoomiye Madaale oo sheegay in Shacabka Muqdisho kaalintooda ka qaadanayaan dib u dhiska Laascaanood.

by admin | Saturday, Oct 14, 2023 | 101 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo kulan aqalka Dowladda Hoose ugu qabtay hoggaamiyaha Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sheegay in uu garab taagan yahay maamulkiisa.

Madaale ayaa Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye la wadaagay sida loo keenay mashruuca Dalkaaga ku dhiso hal doollar kaas oo uu tilmaamay in uu mira-dhalay loona baahan yahay in laga hirgeliyo Magaalada Laascaanood xarunta Gobolka Sool.

Door muuqda ayuu u ballanqaaday isaga oo ka wakiil ah Shacabka uu u yahay Duqa Muqdisho in uu ka qaadan doonno dib u dhiska Magaalada Laascaanood oo burbur kasoo gaaray dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay iyo duqeyntii barbar socotay.

“Hal doollar dalkaaga ku dhiso waxa ay keeneysaa in wax la wada ilaalsado oo waa arrin wadajir loo dhistay oo waxa ay keeneysaa in dadku ka ilaalsadaan kuwa ka burburinaya ee biraha la dhacaya, ka maamul Gobolka Banaadir ahaan waxa aan garab taaganahay reer SSC in ay dib u dhistaan dhulkooda, waxa aan noqon doonaa dadka ugu horreeya ee billaaba arrintaas” Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Hoggaamiyaha Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo ayaa Magaalada Muqdisho waxa uu maalmihii lasoo dhaafay kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, Wakiilo katirsan Beesha Caalamka & Aqalka Dowladda Hoose oo xalay munaasabad loogu qabtay.

Like it? Share it!

Leave A Response