MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud: “Isu geynta Doorashada halka waqti qofna looguma daneyneen”

by admin | Saturday, Oct 14, 2023 | 108 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faah-faahin ka bixiyay sababta hal waqti la isugu geynayo Doorashada Dowlad-Goboleedyada taasi oo dadka qaar ee xildoonka ah ay ku doodeen muddo kororsi loo sameeyay qaar kamid ah Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Dowladdu ay ogtahay madax waqtigoodu ka dhammaaday iyo kuwo dhowaan uu ka dhammaanayo balse qorshaha halka waqti loogu beegay doorashadoodu ay tahay in loo gudbo Doorasho Dadweyne si shacabka dib loogu celiyo awoodda codbixinta tooska ah meeshana looga saaro Doorasho Dadban.

Arrintaan ayuu ku sifeeyay in aanay ahayn mid dad gaar ah loogu daneyneen balse ay tahay mid danta kasoo gashay si loo simo ama loo jimeeyo waqtiga Dowladda Haysato, Doorashada laga sugayo in ay qabato iyo fursadaha muuqda waa sida uu hadalka u dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

“Doorashada la isu geeyay looguma daneyneen qofna oo muddo kororsi ma ahan laakiin waa in aan ka shaqeynaa sidii dalkaan uu horay ugu sii socon lahaa, Dad badan oo siyaasiyiin ah oo waqtiga fiirsanaayay ayaa jira, dad badan oo u dareemaya in uu waqti kusii dheeraanayo in ay jiraan waan dareemi karnaa oo waan ka garaabeynaa, Aniga waa la I yaqaanaa mowqifkeyga in ah in aan muddo xileedka la dheereen balse dantii ayaa naga gashay oo waxaa waynay ra’yi aan ku midoobi karno hadda kii ayaan u dhownahay ee aan taageerno” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Kala aragti duwanaanta dadka ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud sheegay in ay tahay mid had iyo jeer taagan balse keliya loo baahan yahay in diiradda la saaro danta guud halkii majaha inta la isku dhego dhibaato looga shaqeyn lahaa iyo in xoogga la saaro masaalixda guud ee Dowlad-dhiska lagu gaarayo.

Like it? Share it!

Leave A Response