Gudoomiyaha Hay’adda Masiibooyinka, iyo ku-xigeenka guud ee Ergayga Qaramada midoobay Soomaaliy oo Gaaray Baladweyne

by admin | Saturday, Oct 14, 2023 | 142 views

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cabdulaahi Axmed Maalin sufuroow oo aay wehliyaan Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Cumar Calasoow iyo agaasimaha Guud ee wasaarada Gargaarka dowladda Hirshabelle, ayaa Garoonka Diyaaradaha ugaas khaliif ee magaalada Beledweyne ku soo Dhaweeyey wafdi heer caalami Ah oo u hogaaminayo Gudoomiyaha Hay’adda Qaran ee mareeynta Masiibooyinka, qeybna uu ka Ahaa ku-xigeenka guud ee Ergayga Qaramada midoobay ee Somalia (George Conway)

Wafdiga ayaa u kuurgalay xaaladaha guud ee Bini-adanimo ee Gobalka Hiiraan , iyo u Diyaar’garoowga xaaladaha Elnino ee sameeyn kara goobaha wabiyadda.

Wafdiga ayaa u kuurgalay xaalada guud ee Magaaladda Beledweyen ayagoo warbixino ka Dhageeystay maamulka Gobolka Hiiraan iyo Dadaalada xiriirka ah ee la xiriira kobcinta iyo Dajinta qorshayaasha bini-adanimo si loo gaaro Hoowlaha maareynta fatahaadaha iyo dhibaatooyinka dabiiciga ah ee ka dhashay .

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxuu dadaal xoogan ku bixinayaa sidii kor loogu soo qaadi Lahaa adeegyada bini-adanimo oo hoos u dhacay Si loo xaqiijiyo hormarka guud iyo garabistaagida Bulshada midaas oo yeereyneeyso daruufaha ka Dhashay cooladaha iyo fatahaadaha soo laab-laabtay ee Gobalka Hiiraan.

Like it? Share it!

Leave A Response