Madaxweyne Biixi: Cadawga Somaliland waa in abaalkii laga waraabiyaa

by admin | Saturday, Oct 14, 2023 | 135 views

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in anay ogolaanayn in maamul laga dhiso gobolada SSC, isaga oo sheegay in Somaliland xoog ku difaacayso gobolada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ay ciqaabi doonaan cidii kusoo xadgudubta gobolada “Hadii ay la noqotay in ay fudutahay in Somaliland la weeraro, cadawga Somaliland waa in abaalkii laga waraabiyo, lana ogolaan in uu taako soo gudbo” ayuu yidhi Biixi.

Waxa uu digniin u diray maamulka Puntland, isaga oo sheegay in ay doonayso in ay dhul Somaliland kaga qaadato hab qabiilaysan.

“Waxan tusaale usoo qaadanaya maamulka Puntland, oo aad ugu fadalo dheer in uu dhul balaadhsi, uu Somaliland dhul kaga qaado hab qabiilaysan, in aad kaga qaadi karto iyo in kale waynu is huranahay” ayuu yidhi Biixi.

Madaxweynaha Puntland, oo shalay ka hadlay masiirka gobolada SSC, ayaa sheegay in ay ku qancayaan wixii reer SSC dan u arkaan, waxa uuna Somaliland ugu baaqay in anay dagaal danbe qaadin.

Biixi waxa uu dowlada Kenya oo uu sheegay in ay Somaliland xidhiidh wanaagsan la leedahay, ugu baaqay in ay wax ka qabato xildhibaano uu sheegay in ay ka tirsanyihiin baarlamaanka Kenya, oo Somaliland dab ka dhexshidaya.

Like it? Share it!

Leave A Response