DEG DEG: Qarax goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

by admin | Saturday, Oct 14, 2023 | 76 views

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax miino oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in ciidamo boolis ah lagula eegtay xaafadda Waxar Cadde  oo ka tirsan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada la qarxiyay ay ahaayeen kuwa miino baarista ee loo yaqaabo K9, kuwaas oo inta badan howlgallo ka sameeya gudaha caasimada.

Ugu yaraan 2 askari ayaa ku dhintay, qaraxaan halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Maydadka askarta ku geeriyootay weerarkan ayaa la geeyay xarunta hay’adda dambi baarista ee C.I.D, halka kuwa dhaawacyada ah la geeyay isbitaallada magaalada Muqdisho.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa hadda ah mid deggan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi lala beegsaday ciidanka dowladda.

Muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qaraxyo ah, kuwaas oo ay soo maleegaan xubnaha kooxda Al-Shabaab oo haatan wajahaya dagaal culus oo ay iska kaashanayaan dowladda iyo dadka deegaanka.

Like it? Share it!

Leave A Response