Ciidamo kuwa deegaanka ah & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Galgaduud.

by admin | Sunday, Oct 15, 2023 | 107 views

Ciidamo katirsan kuwa deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda iyo ‘AS’ ayaa ku dagaalamaya deegaanka Barujeed Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud Dowlad-Goboleedka Galmudug sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan oo u xog-warramay.

Dagaalka waxaa ka horreeyay qaraxyo laga maqlay furimaha dagaalka, waxyar uun kaddib markii qaraxyadaas ay dhaceen waxaa billowday dagaalkaas tooska ah oo dhexmaray ciidamada deegaanka & ‘AS’.

Qaar kamid ah Saldhigyada Ciidanka Federaalka & Kuwa Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Galmudug ku leeyihiin waxaa ka kala tagay gurmad xooggan si loo xoojiyo ciidamada ku sugan deegaanka ay ku duuleen ‘AS’.

Saraakiisha Hay’adaha Amniga Federaalka iyo Kuwa Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa Mustaqbal u sheegay in ay iska caabiyeen duullaankii ugu yimid dhinaca ‘AS’ oo markii horay ay ka feejignaayeen waa sida hadalka u dhigeen.

Waxa ay tilmaameen saraakiishaan in xubno badan oo ‘AS’ Katirsan lagu dilay weerarkaas kana furteen hubkii ay kusoo duulaan tageen, iyaga oo ku guuleystay in ay gacanta kusii hayaan saldhigyadooda ee weerarka lagu qaaday.

Weli si rasmi ah looma shaacin khasaaraha naf iyo midka maaliyadeed ee ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Barujeed ee Gobolka Galgaduud, waxaa lagu wadaa in mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Galmudug faah-faahin ay ka bixiyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response