MW JFS Xasan Sheekh: “Aad ayay inoo dhibeysaa in Wiilal & Gabdho Soomaaliyeed ay ku dhintaan Dagaal Siyaasadeed ama mid qabiil”.

by admin | Sunday, Oct 15, 2023 | 107 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo jeediyay Khudbad uu uga hadlay xaaladda guud ee Dalka ayaa soo jeediyay in la garab istaago Ciidamada ku jira howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Wiilal iyo Gabdho Soomaaliyeed dhiiggooda ku daadiyaan dagaallo siyaasadeed ama kuwo beeleed oo xal aan xabbad ahayn lagu dhammeyn karo.

 “Ummadda Soomaaliyeed walaalayaal ciidamada geesiyaasha ah ee ku jira furimaha dagaalka aad ayay u dhibaysaa marka ay maqlaan wiil & Gabdho Soomaaliyeed oo ku dhimanaya dagaal Siyaasadeed iyo mid qabali ah, waxa ay ka jeclaan lahaayeen in ay ku dhintaan iyaga oo ka barbar dagaalamaya oo meel kasoo wada jeystaan, sida aan horay u iri Cadaw waa hal waana ‘AS,  walaalayaal waxa aan Alle hortiis idinka codsanayaa in maanta kaddib dhiigga Wiil ama Gabar dambe inooga daadan wax ka sokeysa jihaadka lagu ciribtirayo Khawaariijta” MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada iskaashanaya ee Federaalka, Daraawiishta Dowlad-Goboleedyada & Dadka deegaanka ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u ballanqaaday in uu furimaha dagaalka la joogi doonno si uu ugu dhiirrageliyo howlgallada ay wadaan.

“Geesiyaal waxa aan idiin ballanqaadayaa sida aad mar hore iiga aragteen in aan idin kula noolaado safka hore ee Jihaadka, idinla qaybsado xannuunka & farxadda guusha jihaadka, waxaa idiin ballanqaadayaa in aan dhammaan walaalaha ummadda Soomaaliyeed idin soo daba-fadhiisiyo oo idiin noqdaan Garab iyo Wehel aad dugsataan, maalintii aynu go’aansanay in aan halgan galno ayaan guuleysanay, waynu xaqiijin doonnaa insha allaah waana ilaalsan doonnaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddooyinkii dambe ku sugnaa furimaha dagaalka gaar ahaan Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response