Mareykanka oo Sacuudiga ka raadiyay xalka xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.

by admin | Sunday, Oct 15, 2023 | 107 views

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa safar aan horay loosii shaacin ku gaaray Magaalada Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya si uu Dhaxalsugaha dalkaas uu ugala hadlo xalka xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.

Blinken ayaa dhowaan tagay Magaalada Tel Aviv isaga oo la kulmay mas’uuliyiin katirsan Israaiil waxaana uu kala hadlay taageerrada xad-dhaafka ah ee Mareykanka uu siinayo Yuhuudda oo wajahaysa culeys xooggan oo uga imaanaya Falastiin.

Safarka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay in uu billow u yahay kulamo uu la qaadanayo Madaxda Waddamada Carabta ee horay Heshiiska ula galay Israaiil sida ay xaqiijiyeen diblumaasiyiin kala duwan.

Wakaaladda Wararka Reuters oo soo xiganeysa Saraakiil katirsan Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in kulanka Xoghaye Antony Blinken iyo Dhaxalsugaha Boqortooda Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan diiradda lagu saarayo xaaladda bariga dhexe.

Like it? Share it!

Leave A Response