Gudiga doorashooyinka Heer Federaal oo gaaray Magaalada Baydhabo

by admin | Tuesday, Oct 26, 2021 | 311 views

Wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Fedaraal Maxamed Xasan Ciro iyo xubno kale ayaa gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta  Gobolka Baay.

Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud  waxaa kusoo dhaweyey Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Koonfur Galbeed Yuusuf Cabdulkadir, iyo Xuno ka tirsan Guddiga

Intaasi ka dib Madaxda ayaa Qeybta VIP ee Garoonka isku Xogwareystey meesha ay mareyso Howsha qaban qaabada  Qabashada Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka  Heer Fedaraal Maxamed Xasan Ciro ayaa Sheegey in ujeedada Magaalada Baydhabo u tageen ay tahay  wadatashi iyo Sidii dhidhibada loogu Aasi laha Hanaankii Doorashada Golaha Shacabka ay si rasmi ah ugu bilaaban laheyd.

Sidoo kale Gudoomiye Ciro ayaa Sheegey  in dhawaan aqabkii doorashada lagu qaban lahaa ay gaarsiin doonaan  Goobaha Doorashooyinka ay ka qabsoomeyaan.

Like it? Share it!

Leave A Response