Toogasho ka dhacday Maraykanka oo sababtay dhimasho iyo dhaawac

by admin | Tuesday, Oct 26, 2021 | 236 views

Labo qof ayaa ku dhintay toogasho ka dhacday suuq ganacsi oo ku yaal gobolka Idaho ee dalka maraykanka, iyadoo sidoo kale weerarkani sababay dhaawaca afar qof oo uu ku jiro sarkaal boolis ah sida ay sheegeen boolisku.

Badhasaabka gobolka Idaho Brad Little ayaa sheegay in gobolku uu diyaar u yahay in uu booliiska Boise ka caawiyo baaritaanka toogashada.

Dadka kunool gobolka Idaho ee dalka maraykanka ayaa waxaa soo wajahday cabsi la xirirta inay kordhaan weerarada kale ee halkaasi ka dhacaya, isla markaana ay waxyeelo kasoo gaarto.

Like it? Share it!

Leave A Response