Wararkii ugu dambeeyay xaaladda Guriceel

by admin | Tuesday, Oct 26, 2021 | 273 views

Waxaa saaka degan xaaladda degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay ku dagaalamayeen Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo xoogaga Ahlusunna.

Dadka degmada ku haray qaarkood waxaa ay ku waramayaan in mararka qaar ay maqlayaan rasaas Goos Goos ah oo ay is weeyraadsanayaan labada dhinac oo ku kala sugan goobo isku muuqdo.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa ku sugan inta badan xaafadaha degmada Guriceel halka kiwa Ahlusunna ay ku sugan yihiin dhinaca Waqooyi ee degmada gaar ahaan Aaga Jaamacadda.

Dhinacyada ku dagaalamay Guriceel ayaa waxaa u imaanaya gurmadyo kala duwan, waxaana mid kasta uu ku dadaalayaa sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa guud ahaan degmada Guriceel.

Dowladda Soomaaliya ayaa Ciidamo dheeraad ah saacadihii la soo dhaafay geysay degmada Guriceel, kuwaas oo dagaal la geli doona Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response