Gudomiyaha gobalka hiiraan & masuuliyiin kale oo guluf dagaal ka bilaabay degmada maxaas.

by admin | Friday, Sep 30, 2022 | 281 views

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeeyte Cismaan oo ay wehliyaan Xildhibaan Cabduqaadir Maxamuud Awbakar Dhagaweyne saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka hiiraan oo ku guda jiro gulufka Howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Dadaalada gurmadka loogu fidinayo shacabka iyo ciidamada ayaa gaaray Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa u kuur galayo xaalada dhaawacyada la gaarsiiyey Degmada Maxaas ee ku wax yeeloobay dagaaladii shalay lala galay Al-Shabaab iyo xaalada Degmadda Maxaas oo dhawaan dib u heshay isgaarsiintii horey ay uga demiyeen Al-Shabaab.

War kasoo baxay Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu sheegay in Guddoomiyaha uu wado dadaaladii ugu dambeeyey ee lagu xaqiijinayo Nabad-galyada degaannada Gobolka Hiiraan shacabkana loogu fidinayo Adeegyada muhiimka ah ee baahida u qabaan.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan lasoo Afjari doono Al-Shabaabka ku sugan tuulooyinka yaryar iyo xaduudaha Shabeellaha dhaxe iyo Hiiraan u dhaxeeyso, si looga hortago weerarada ay geeysanayaan

Like it? Share it!

Leave A Response