Gudoomiyihii degmada Hodan oo maanta lagu aasay Muqdisho

by admin | Friday, Jan 22, 2021 | 435 views

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo dadweyne fara badan ayaa ka qeyb galay salaadda Janaazada Allaha u naxariistee Guddoomiyihii degmada Hodan Marxuun Cabdixakiin Dhagajuun oo lagula tukaday masjidka Isbahaysiga Islaamka.

Marxuumka ayaa salaada janaasada lagula tukaday masjidka Isbahaysiga Islaamka iyadoona lagu aasay gudaha Degmada Hodan ee uu Marxuumka Guddoomiye ka ahaa ka hor geeradiisa.

Dhammaan Mas’uuliyiinta ka qeyb-galay Janaasada Allaha u Naxriistee Marxuum Cabdixakiim Dhaga-juun ayaa eebbe uga baryay in uu jannadii Firdowso ka waraabiyo.

Waxa ay sidoo kale sheegay in gacanta lagu haayo kooxihii ka dambeeyay dilkiisa, islamarkaana dhawaan caddaaladda la horkeeni doono.

Like it? Share it!

Leave A Response