Haweeney isku dayday in ay sumeyso Donald Trump oo lagu xukumay xabsi 22 sano ah.

by admin | Friday, Aug 18, 2023 | 135 views

Pascale Ferrier oo ah 56 jir u dhalatay Dalka Canada balse muddo dheer ku nool Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in ay isku dayday in ay sumeyso Madaxweynihii 45aad ee Dalkaas Donalad Trump iyada oo ugu dambeyn xukun uu ku dhacay.

Haweeneydaan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay in Warqado sun ku xardhan ay u dirtay Trump xiligii uu Madaxweynaha ka ahaa Dalka Mareykanka, taasi waa isku day guuldareystay sida ay sheegeen xubnaha eedda kusoo oogay.

Pascale ayaa Bishii Febaraayo ogolaatay eedaha loo jeediyay oo ah in ay isku day sumeen ah ku sameysay Donald Trump oo hadda qudhiisa madaxa loo suray kiisas tira-beel ah oo uu ku muteysan karo in xabsi loo diro.

Baqshadda la geliyay Warqadaha Sunta leh ayaa lagu qabtay Aqalka Cad ee Mareykanka Bishii September 2020 xilligaas oo Dalkaas uu la daalaa-dhacayay dagaalka ka dhanka ah xannuunkii aafadaha ku noqday ee Covid-19.

Haweeneydaan ayaa Maxkamadda u sheegtay in ay ka qoomameyneyso tallaabada ay qaadday oo ah mid ay ku guuldareysatay balse baddelkii ay damacsaneed in ay sumeyso Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump loo taxaabay xabsi 22-sano ay qaadan doonto.

Haddii ay hesho cimri ay ku dhammeysto xukunka lagu riday Pascale Ferrier waxa ay xabsiga kasoo bixi doontaa 2045ta iyada oo da’ ahaan jirta 78-sano waana midda keentay in ay ka qoomameyso isku dayga ka fashilmay.

Like it? Share it!

Leave A Response