Hay’adda WHO oo ku dhawaaqday inay gargaar caafimaad u soo dirayso Soomaaliya

by admin | Sunday, Oct 30, 2022 | 252 views

Madaxa hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan caafimaadka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay iney Soomaaliya gargaar caafimaad u dirayaan.

Madaxa ayaa tacsi u diray dowladda, iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan qoysaska uu sida gaarka ah u saameeyey qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, wuxuu carabka ku dhuftay Tedros Adhanom, in dowladda Soomaaliya ay ka kaalmeynayaan sidii loo daweyn lahaa dhaawacyada faraha badan, iyo hannaanka tiiraanyo bixinta dadkii ay dhibaatada xun soo gaartay.

Magaalada Muqdisho, ayaa shalay waxaa ka dhacay qaraxyo is xig xigay, kuwaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad boqol qof, halka saddex boqolna ay ku dhaawacmeen..

Like it? Share it!

Leave A Response