Hir-Shabeelle oo shaacisay Jadwalka doorashada kuraasta taalla Beledweyne

by admin | Monday, Feb 21, 2022 | 363 views

Guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 7 kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashada labaad oo ah magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in 25 Bishaan la diiwaan gelin doono musharrixiinta 7 kursi maalinta xigta ee 26 Bishaana la qaban doono doorashada 7 kursi, waxaana xusid mudan in waqtigii loo qabtay in doorashada lagu soo geba-gabeeyo ay tahay 25 Bishan, waxaana kuraasta doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah.

1: Hop#003 oo uu ku fadhiyo Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene.

W: Hop#006 oo uu hadda ku fadhiyo Maxamuud Cabdullaahi Axmed.

3: Hop#022 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyo Cusmaan Maxamed Cabdi (Daalo).

4:Hop#031 oo uu ku fadhiyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Xilgaarsiinta Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid )

5: Hop#032 oo uu ku fadhiyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Xilgaarsiinta Khaliif Cabdi Cumar.

6:Hop#068 oo ay ku fadhiso Faadumo Faarax Ibraahim.

7: Hop#252 oo uu ku fadhiyo Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Cabdul Casiis Saalax Armaan.

Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa wada dardar gelinta doorashada kuraasta taalla degaan doorashada labaad ee Beledweyne, waxaana shalay lagu qabtay doorashada lix kursi.

Like it? Share it!

Leave A Response