Is rasaaseyn khasaaro geysatay oo ka dhacday degmada Cabudwaaq

by admin | Monday, Feb 21, 2022 | 483 views

Is rasaseynta oo u dhaxeeysay Ciidan kamid ah kuwa ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Maleeshiyo Beeleed hubeysan ayaa xalay ka dhacday Xarunta Madaxtooyada degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud.

Israsaseentan ayaa ka dhalatay kadib markii maleeshiyaadka hubeysan ay dalbadeen in lasiiyo qori iyo gaari ay wataan Ciidanka ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo ay Milkiyadiisa sheeganayaan taas oo khilaaf badan kadib isku badashay in la is rasaaseeyo.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in is rasaaseynta ay ku dhaawacmeen laba qof oo mid Shacab ah iyo Taliyaha Ciidamada kamid ah ilaalada Madaxweyne kuxigeenka Galmudug, kaas oo lagu Magacaabo Cabdi Naasir Timaweyne.

Dhinaca kale qoraal kasoo baxay Maxkamadda degmada Cabudwaaq ayaa laamaha amniga Galmudug iyo kuwa Federaalka Amar maxkamadeed lagu siiyey in ay soo qabtaan kooxdii weerarka ka geysatey Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Caabudwaaq.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soi gaaraya degmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladda ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka, Gaadiidka & Ganacsiga uu yahay mid caadi ah.

Like it? Share it!

Leave A Response