Hir-Shabeelle oo ugu baaqday dadkii ka barakacay dagaalkii Beledweyne inay dib u soo labtaan

by admin | Thursday, May 27, 2021 | 305 views

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaanahan Beladweyne ka wada dadaallo lagu xalinayo beelo lagu dagaalamay duleedka Beladweyne ayaa kulan la qaatay horjoogayaasha maleeshiyaadka dagaalamay, kuwaasi oo ugu dambeyn balan qaaday inay Nabadda ka shaqeyn doonaan.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa ugu baaqay bulshada inay Nabadda ka shaqeeyaan oo ay ka hortagaan cidkasta oo abuureyso amni darro.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) ayaa ugu baaqay shacabka ka barakacay deegaannada ay colaadda ka dhacday inay dib ugu soo laabtaan guryahooda, Maamulkana uu ka shaqeyn doono sidii Nabadgelyada loo xoojin lahaa.
“Cidkasta oo dagaalka la ajligiisa uga qaxday Beladweyne, gaar ahaan xaafadda Hilaac haku soo noqoto guryahooda, Alle ka sokow anagaa u joogno oo u balan qaadeyno, ma arkayaan wax dhibaato ah, haku soo laabteen guryahooda iyo goobahooda ganacsiga” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

Like it? Share it!

Leave A Response