Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi Garabka Cabdi Xaashi oo kasoo horjeestay heshiiska doorashada ee la saxiixayo.

by admin | Thursday, May 27, 2021 | 275 views

Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada waqooyi ee kujira dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan garabka gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa waxaa ay ka horyimaadeen qodobada heshiiska aan weli la shaacin ee laga gaaray doorashada Soomaaliya, kaas oo Maanta la saxiiayo.
Qoraal kasoo baxay Siyaasiyiinta ayaa waxaa lagu sheegay in Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi ay si dhow ula socdeen shirka madasha wadatashiga doorashooyinka, ayna rajo ka qabeen in uu ka qeyb galo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi balse taasi aysan suurto gelin.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Arrinta madaxbanaanida iyo maamulka doorashada Xildhibaanada ka soojeeda Somaliland uu ka midyahay sadexdii qodob ee khilaafku ka taagnaa, lana filayey in lagu xaliyo kulankan balse aysan dhicin.
“ Hadaba waxaanu u cadeynaynaa shacabka Soomaaliyeed, Saamileyda Siyaasadda iyo Beesha Caalamkaba in aannaan ilaa hadda ka qaybgelin, wax talo ahna ku lahayn, wax xog ah oo suganna ka haynin qaabka loo waajahay arrinta doorashada xubnaha Somaliland, Sidaas awgeed waxaanu caddeynaynaa in aanaan qayb ka ahayn go’aamada shirka ka soo baxa haddii shirku sidaas ku dhammaado. Waxaa shacabka Soomaaliyeed iyo warbaahinta la wadaagi doonnaa faahfaahin iyo xogo dheeri ah oo ku saabsa qadiyadda doorashada 57 kursi ee Xildhibaanada ka soojeeda Somaliland waxaanan ka qaadan doonnaa go aanno masiiri ah ayaa lagu yiri” Qoraalka Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi Garabka Cabdi Xaashi.
Warkan kasoo yeeray Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi Garabka Cabdi Xaashi ayaa imaanayaa xilli Maanta la filayo in Xarunta Teendhada Afisiyooni ee magalada Muqdisho lagu qabto munaasabad lagu saxiixayo heshiiska doorashada oo ay wada gaareen Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada & guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Like it? Share it!

Leave A Response