Howlgal laga sameeyay Magaalada Beledweyne

by admin | Wednesday, Oct 27, 2021 | 372 views

Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hir-Shabelle ayaa howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayay waxa ay ka sameeyeen qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
Howlgalkan ayaa Saraakiisha Ciidamada ammaanka waxa ay ku sheegeen ujeedkeedu in uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amaba loo adkayn lahaa amniga Guud ee Magaalada Beledweyne maadama Beledweyne ay kamid tahay Magaalooyinka loo asteeyay ina ay dhawaan kadhacaan doorashada xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Howlgalkan Ciidamada Booliska ay ka sameeyeen Beledweyne ayaa saraakiisha Ciidamada waxaa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xawiijinauo ammaanka Magaalada.

Like it? Share it!

Leave A Response