Howlihii duulimaadka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho oo la hakiyay

by admin | Friday, Feb 19, 2021 | 314 views

Howlihii duulimaadka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa la hakiyay, iyadoo madfac uu ku dhacay gudaha garoonka gaar ahaan goob ka mid ah goobaha ganacsiga ee ku yaalla gudaha garoonka, waxaana la arkayay uuro iyo qiic ka baxayay.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in rasaas loo waday musharaxiinta xilka Madaxweynaha ay ku dhacday Garoonka.

Waxaa uu nasiib daro weyn ku tilmaamay in maanta garoonka dowladda ay duqeeyaan ciidanka dowladda Soomaaliya, islamarkaana uu xirmo.

Wadada isku xirta Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM4 ayaa ah mid ciidan, iyadoo rasaas laga maqayay, goor sii horeysay waxaa wadadaas oo bannaan socod ah ku marayay lagu rasaaseeyay qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Like it? Share it!

Leave A Response