Dowladda oo War Cusub kasoo saartay rabshadihii ka dhacay Muqdisho

by admin | Saturday, Feb 20, 2021 | 361 views

Dowladda Soomaaliya ayaa War cusub kasoo saartay rabshadihii ka dhacay magalada Muqdisho, iyada oo sheegtay inay mas’uul ka yihiin Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibada ee Soomaaliya lagu qoray Afka Ingiriisiga ayaa waxaa lagu sheegay in rabshado ka dhan ah Ciidamada Amniga ay ka dhaceen magaalada muqdisho, isla markaana ay ka dambeeyeen musharixiin diidan dhameystirka heshiiskii doorashada ee 17 Sebtember.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay cambaareyneysaa rabshadaha ka dhanka ah xubnaha ka tirsan Ciidamada Amniga Soomaaliya ee ay geysteen shaqaalaha amniga ee musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha habeenimadii 19-kii Febraayo 2021, Halkii laga taageeri lahaa dhammeystirka arrimaha taagan ee ku saabsan hirgelinta heshiiska siyaasadeed ee 17 Sebtember musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa doortay in ay kiciyaan qalalaase ayaa lagu yiri” Qoraalka Dowladda.
Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ay nasiib darro tahay in dad doonaya inay xilal dalka ka qabtaan ay isku dayeen inay keenaan xasillooni darro sida hadalka loo dhigay.
Warkan kasoo baxay dowladda ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xubnaha Midowga musharixiinta Madaxweynaha ay ku eedeeyeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday in uu weeraray Xubno kamid ah Musharixiinta, isla markaana dalka uu fowdo geliyay.

Like it? Share it!

Leave A Response