In ka badan 100 qof oo maanta u fariistay Imtixaanka bixinta Ruqsada Nootaayada

by admin | Wednesday, May 10, 2023 | 340 views

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , mudane Xasan Macalin Maxmuud ayaa maanta daah-furay imtixaanka bixinta ruqsadda Nootaayada dufcadda sedaaxaad oo ay u fariisteen 142 sharci yaqaan oo soo buuxiyay shuruudaha imtixaanka.

Wasiirka oo caddeeyay in baahi ay bulshadu qabto loo qabanaayo imtixaanka, kana hadlay muhiimadda ay Nootaayooyinka u leeyihiin bulshada, Caddaaladda, horumarka, sharciga iyo kala dambeynta ayaa sharci yaqaannada imtixaanka u fariistay u rajeeyay guul.

Sharci yaqaannada u fariistay Imtixaanka oo ay qaadayaan guddi ka madax bannaan wasaaradda ayaa u tartamaya 20 nootaayo oo ay ku guuleysanayaan 20 qofood ee ugu buundooyinka badnaada imtixaanka maanta ay galeen.

Like it? Share it!

Leave A Response