Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Jabuuti iyo wafdi ka socda dalka Sudan?

by admin | Wednesday, May 10, 2023 | 215 views

Wafdi ka socda dalka sudan oo u hogaaminayo ergeyga gaar ah ee madaxweynaa golaha ku meel gaarka ah ee dalka sudan Dafallah Al-haji cali ayaa gaaray dalka jabuuti Iyaga oo la kulmay Madaxweynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Ergeyga oo sidday dhambaal qoraal ah, oo u soo gaarsiyay Madaxweynaha Jabuuti waxa uu uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka Suudaan, oo ah halka ay ka socdaan dagaallada u dhexeeya cidaanka milatariga iyo cidaanka gurmadka deg-dega ah ee ( RSF ). iyada oo wali aay si goordhayso dhimashada iyo dhaawaca ee laabada dhinac iyo dadka rayidka ah.

Ergeyga ayaa sheegay sida ay uga go’an tahay sii wadida dadaallada dhex dhexaadinta ah ee Madaxweynaha Jabuuti uu ka wado qalalaasaha Suudaan.

Madaxweynaha jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo xubin ka ah guudiga madaxweynayasha ee saddex geesoodka ah ee IGAD u xilsaaray qalalaasaha Suudaan

Like it? Share it!

Leave A Response