Mas’uul ka Tirsan Soomaliland oo ku biiray SSC-Khaatumo

by admin | Wednesday, May 10, 2023 | 158 views

Madaxii Waxbarashada Gobolka Sool ugu qaabilsanaa Somaaliland Daahir Maxamed Axmed ayaa sida la sheegay in Gaadiid dagaal kala goostay Soomaaliland

Wararka ayaa sheegaya in guddoomiye Daahir uu saaka oo Arbaco ah ka goostay Somaliland islamarkaana uu ku biiray maamulka SSC-Khaatumo.

Mas’uulkan oo la dareen noqday dadkiisa ayaa gebi ahaanba isaga baxay Somaliland waxaana la sheegay uu iska casilay xilkii Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Sool.

Daahir Maxamed Axmed ayaa lagu wadaa in uu Warbaahinta kala hadlo sabaabta uu ugaa soo goostay Soomaliland uguna biiray Xubnahaa SSC ee ku sugan MagaaladaLaascaanood ee xarunta gobolka Sool

Illaa hadda ma jiro waar ka soo baaxay Soomaaliland oo ay uga hadleen Mas’uulkaan dhinaca waxbarashada ugu qaabilsanaa Soomaaliland ee gobolkaa Sool kuna biiray SSC.

Like it? Share it!

Leave A Response