In ka badan 204,000 oo ruux oo si qasab ah Soomaaliya loogu barakiciyay

by admin | Tuesday, Aug 28, 2018 | 880 views

Hay’adda ka shaqeysa arrimaha qaxootiga ee Norwegian Refugee Council (NRC) ayaa sheegtay in dad ay tiradoodu ka badan tahay 204,000 oo qof si qasab ah looga raray dhul ay ka degannaayeen guud ahaan Soomaaliya sannadkan, balse dadka ay arrintaas saamaysay intooda badan ay yihiin kuwii ku barakacay gudaha Muqdisho.

Tiradan ayay hay’addu sheegtay inay ku dhawaad labanlaab ka badan tahay middii sanadkii hore xilligan oo kale, dadka qaarna dhowr jeer qasab lagu raray.

Dadka la barakiciyay waxaa ka mid ah dad ay Muqdisho gaysay cunto yari, sida ay hay’addu sheegtay.

Evelyn Ayero oo ah lataliyaha hay’adda Norwegian Refugee Council ee warbaahinta iyo sharciga ee Bariga Afrika iyo Yemen ayaa BBC u sheegay in waxyaabaha ay ku ogaadeen baaritaankooda ay ka mid yihiin in dadka laga saaray dhul dadwayne iyo dhul ay shaqsiyaad leeyihiin.

Like it? Share it!

Leave A Response