Dhaq dhaqaaqa Beledweyne oo maalintii 2aad hakad ku jira

by admin | Tuesday, Aug 28, 2018 | 1213 views

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa wali ka taagan muran ka dhashay Bajaajle shalay lagu dilay magaalada.

Ehellada Yaasiin Cali oo shalay Askari ka tirsan Booliska Hirshabelle uu ku dilay Magaalada ayaa xiray inta badan waddooyinka magaalada iyaga oo sidoo kale diiday in la aaso Maydka Wiilka la dilay.

Maamulka Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan Askariga dilka geystay kuna howllanyihiin xallinta khilaafka u dhaxeeya ehelka wiilka la dilay iyo Askariga wax dilay.

Isu socodka dadka iyo Gaadiidka ayaa hakad ku jira,waxaa kale oo xiran Ganacsiga maaddaama waddooyinka qaar ee Magaalada ay xiranyihiin.

Markii uu dilka dhacay ayey shalay Bajaajlayaasha Magaalada billaabeen banaanbax iyaga oo sheegay in Ciidamada amniga ee Magaalada ay Bajaajlayaasha ku qasbaan $15 doollar oo aysan bixin Karin taas oo uu u dhintay Yaasiin.

Like it? Share it!

Leave A Response