Iran oo magdhaw siineyso dad ku dhintay diyaarad ay soo ridday

by admin | Thursday, Dec 31, 2020 | 353 views

Iran ayaa la sheegay qoysaski ay 176-kii qof ee ku dhimatay diyaaraddi rakaabka ee ay ciidamadeeda soo rideen qofkiiba iney siiso magdhaw gaaraya $150,000 oo doolar.
Ukraine ayaa ku baaqday inuu dhaco wadahadal ku aaddan magdhawga dhibbanayaasha la siinaya iyo xubnihi weerarkaasi ka dambeeyey sidi caddaaladda loo marin lahaa.

Diyaarad rakaab ah uu nooceedu ahaa Boing 737-800 oo ay lahayd shirkadda diyaaradaha caalamiga ee Ukraine ayaa laba gantaal lagu dhuftay waxyar un kaddib marki ay ka soo duushay magaalada Tehran.
Iran oo marki hore diidday iney qirato mas’uuliyadda diyaaradda gantaalka lagu dhuftay, ayaa ugu dambeynti oggolaatay waxayna sheegtay diyaaradda rakaabka ee ay lahayd shirkadda diyaaradaha caalamiga ee Ukraine ‘si aan ula kac ahayn’ in loo soo riday.
Tehran waxay dhacdadaasi ku tilmaamtay “Qalad masiibo uu ka dhashay”.

Facebook Twitter Pinterest WhatsApp Telegram
Previous article
DHAGEYSO:-Warka Subax ee Radio Risaala 31-12-2020
Next article
Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka & Madaxweynaha Jubbaland?
RELATED ARTICLESMORE FROM AUTHOR

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka & Madaxweynaha Jubbaland?

Like it? Share it!

Leave A Response