Jubbaland Oo Sheegtay In Dowladda Arrin La Yaab Leh Ka Saameysay Gedo{AKHRISO}

by admin | Saturday, Dec 19, 2020 | 335 views

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa War Cusub kasoo saartay xaaladda Gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin Ciidamo k tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo kal horey lagu daabulay halkaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa dowladda loogu eedeeyay inay faragelin iyo khal-khalka amni ka waddo Gobolka Gedo, ayna ka xun yihiin xaaladda mudada dheer ka jirta Gobolkaas.

Jubbaland ayaa sheegtay in wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhalata dhibaato ay sheegee inay inay dowladda ka waddo Gedo uu masuuliyadeedda dusha saaran doono Madaxweynne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale Jubbaland ayaa la yaab ku tilmaamtay Jahweerar maalmihii lasoo dhaafay dowladda ka waday xuduudka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana Maamulka uu sheegay inay la yaab ku noqday in Kenya laga difaacayo meel 7 KM oo u dhexeeysa Balad-xaawo iyo meel lagu magacaabo Malkaariyey.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Maamulka Jubbaland.

Like it? Share it!

Leave A Response