Jubbaland & Puntland oo shuruud ku xiray imaanshaha Muqdisho

by admin | Saturday, Feb 20, 2021 | 346 views

Iyada oo dhawaan Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu ku dhawaaqay shir ay isugu imaanayaan Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir ayaa qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada ay shuruud ku xireen imaanshaha magaalada Muqdisho.
18-kii Bishaan ayaa qorsuhu ahaa in uu shirkaasi furmo, balse uu dib u dhacay sababo la xiriira Madaxweynayaasha qaar oo weli ka maqan muqdisho, halka kaliya ay ku sugan yihiin Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed & Hir-Shabeelle.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay dhowr sharuudood ku xiren inay yimaadaan Magaalada Muqdisho, kuwaas oo kala ah.
1: In ay doonayaan in kulanka lagu qabto Xerada Xalane .
2: In aysan kalsooni ku qabin tagida Madaxtooyada Soomaaliya (Villa Somalia). Cabsi ammaankooda ah aawgeed, go’aankaas oo sigar ah uga yimid dhinaca Madaxweynaha Jubbaland.
3: In damaanad-qaade 3aad lahelo, gaar ahaana saxiixa lagu daro Wakiilada caalamiga ah.
Tallaabadan ay qaadeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa ay noqoneeysaa caqabad cusub oo soo wajahday doorashada Soomaaliya, isla markaana keeni karta in an wax heshiis ah laga gaarin arrimaha doorashooyinka dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response