Xukun lagu riday dhalinyaro kufsi u geystay Gabar 13 jir ah

by admin | Saturday, Feb 20, 2021 | 345 views

Maxkamada sare ee gobolka Doolo ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa xukun min 9 sano ah, ku riday 7 dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay dhawaan kufsi-wadareed u gaysteen gabar 13 jir ah, oo ku nool magaalada Wardheer ee xarunta gobolka Doolo.
Goobta maxkamadeynta ayaa waxaa ku sugnaa oo Go’aanka Maxkamadda soo dhaweeyay Ehelka dhinacyada ay dacwadu ka dhaxeysay , iyaga oo sheegay inay ku qanceen sida uu xukunka u dhacay.

Komishineerka booliska gobolka Doolo, gashaanle dhexe, Mawliid Muuse Ibraahim iyo madaxa xafiiska xeerilaalinta gobolka, Cali Axmad Ibraahim, oo la hadlay Warbahinta, ayaa sheegay in ay guteen waajibaadkoodii ka saarnaa soo uruurinta cadaymaha galdacwadeedka ka dhanka ah eedesanayaashan, si ay dhibanayaashu cadaalad u helaan.
Odayaasha dhaqanka oo ka socday dhinacyada ay dacwadu ka dhaxaysay, ayaa go’aanka maxkamada soo dhaweeyay, waxa ayna intaas ku dareen, in ay tahay arrin ugub ah in gabadh 13 jir la faraxumeeyo, taas oo ku cusub gobolka Doolo, iyo guud ahaan Deegaanka Soomaalida,
Edeesanayaasha la xukumay ayaa 6 ka mid ah ay goob-joog ahaayeen, halka midkii 7aadna maqnaasho lagu xukumay maadaama laamaha amniga aysan weli gacanta ku dhigin.

Like it? Share it!

Leave A Response