Keydka hubka gobolka Tigreeda oo duqeymo lagu bilaabay

by admin | Saturday, Nov 7, 2020 | 349 views

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in duqeymo lagu bartilmaameedsaday bakhaaro uu hub ku keydsanaa oo ku yaalla gobolka Tigreeda ee waqooyiga dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaa Ku daray in duqeymahaasi lagu burburiyay tiro madaafiic oo goobtaasi ku keydsanaa. Balse ma jirto warar madaxbanaan oo xaqiijinaya in bartilmaameedkii duqeyntaasi ay ku dhacday goobtii loogu talagalay.

Xisbiga haya talada gobolka Tigreeda ee TPLF ayaa sheegay in Khamiistii duqeymo lagu bartilmaameedsaday goobo ka mid ah gobolkaasi.

Balse sarkaal sare oo u hadlay TPLF ayaa sheegay in Jimcihii inaysan wax duqeyn ah dhicin deegaanada gobolka Tigreeda. Dadka qaar ayaa ka cabsi qaba in arrintani ay noqoto bilowga dagaal sokeeye oo ka qarxa dalka Itoobiya.

Rai’sul wasaaraha oo khudbad ka jeediyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeymahani ay dhaceen Khmiistii iyo Jimcihii.

Waxaa uu intaa ku daray in duqeymha ay sii socon doonaan tan iyo inta laga adkaanayo ciidamada gobolka Tigreeda.

My Abey ayaa sheegay in duqeymaha lagu burburiyay Gantaalo, Raadaaro iyo madaaafiic yaalay gobolkaasi Tigreeda.

Like it? Share it!

Leave A Response