Khasaaraha ka dhashay weerarkii Hotelka Afriik oo la shaaciyay {AKHRISO}

by admin | Monday, Feb 1, 2021 | 285 views

Waxaa xalay saqdii dhexe la soo afjaray weerarkii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotel Afrik oo ku yaal wadada aada Garoonka Aadan-Cadde ee ka leexata Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Weerarka oo soo bilaawday 5:00 Galabnimo ee shalay ayaa soo gaaray xalay saqdii dhexe , waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray mas’uuliyiin iyo Shacab intaba.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in weerarka ay ku geeriyoodeen 9 Ruux oo 4 kamid ah ay yihiin raggii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka geystay halka tobaneeyo kale ay ku dhaawacmeen.
Dadka weerarka ku geeriyooday ayaa waxaa kamid ahaa Janeraal Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa saraakiisha ugu caansan Soomaaliya, Cali Dhuux Maxamed Barre oo ka tirsan Saraakiisha Booliska Soomaaliya, Cabdullaahi Nuurre siyaad oo Ganacsade can ahaa lana dhashay siyaasiga Cabdi Nuure siyaad iyo qaar kamid ah ilaalada Hotelka.
Afhayeenka Booliska Mr Sadiiq ayaa sheegay in sababta uu weerarka waqtiga dheer u qaatay ay tahay inay badbaadinayeen marka hore dadkii halkasi ku go’doonsanaa.
Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada weerarka Hotelka Afriik ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay in weerarka uu ahaa mid isugu jiray qaraxyo iyo dagaal toos ah oo ay Hotelka ku qaadeen.

Like it? Share it!

Leave A Response