Booliska Soomaaliya iyo Al-Shabaab oo war kasoo saaray Qaraxa iyo weerarka hoteel Afriik{AKHRISO}

by admin | Sunday, Jan 31, 2021 | 319 views

Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weerar iyo Qarax ku qaadeen Hoteelka Afrika oo ku yaalla wadada Garoonka Aadan Cadde ayna ku howlan yihiin sidii loo soo afjari lahaa kooxda weerarka qaaday.
Booliska waxa sheegeen in ay dad badan kasoo badbaadiyeen qaraxa walina uu socda dagaal gudaha hoteelka.

“Galabta abaare 17:00, ayeey argagixisadu weerartay Hotel Afrik, oo ku yaala agagaarka KM4, Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde Ciidanka Boliiska oo si deg deg ah goobta ku gaaray ayaa gudaha u galay hoteelka si dadka looga badbaadiyo, waxaa laga badbaadiyay inta badan dadkii ku jiray iyaga oo bad qaba, welina howlgalku wuu socdaa”ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliska.
Sidoo kale Ururka Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka weli ka socda gudaha Hotel Afrik kaas oo sababay dhimasho & dhaawac .

Like it? Share it!

Leave A Response