Khasaaro ka dhashay Dagaal ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

by admin | Sunday, Apr 10, 2022 | 391 views

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal culus oo degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin degaanka Qooqaani oo hoostaga degmada  Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka degaanka Qooqaani ee degmada Afmadow ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dhaawac ah oo dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka waxaa ay sheegeen inay cabsi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqdin qabeen inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Qooqaani ee lagu dagaalamay ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhigyada ay ku sugan yihiin la weeraray.

Like it? Share it!

Leave A Response