Khayre “Waa la isku raacay habka ay u dhaceyso doorashada”

by admin | Tuesday, Oct 2, 2018 | 908 views

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wuxuu sheegay in dhinacyada Soomaaliyeed ay isku raaceen habka ay dhaceyso doorashada 2020-ka.

Khayre khudbad ka jeedinayay kulanka siyaasadda loo dhan yahay ayaa wuxuu sheegay iyada oo aan la heysan taageero mug weyn oo caalamka ah ay Soomaaliya u diyaar garowday inay isku raacdo hab doorasho oo dalka ka dhacda 2020-ka.

“Iyada oo aysan jirin taageero dibadeed oo weyn waxaa siyaasadda loo dhan yahay aan ka qabanay si wadajir ah waxaan ka qaban karnay, maadaama aan heysanay ujeedooyin cad cad oo aan ku mideysanahay, doorashada 2020 waxaan isku raacnay hab doorasho oo dalka ka dhacda, annaga oo horumarin ku wadna sharciga doorashada”. ayuu yiri R.W Khayre.

Wuxuu sheegay ra’iisul wasaaraha in dawladdu ay meel wanaagsan marsiinayso qaabkii ay dalka uga qabsoomi lahayd doorasho qof iyo cod ah si muwaadiniinta Soomaaliyeed ay go’aan uga gaaraan aayaha dalka, loogana maarmo in masiirka dalka wax laga waydiiyo dad kooban.

Like it? Share it!

Leave A Response