Dowladda Soomaaliya oo joojisay ka ganacsiga daawada cudurka TP-da

by admin | Tuesday, Oct 2, 2018 | 935 views

Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fawsiyo Abuukar Nuur ayaa waxa ay sheegtay in cudurka TP-da uu si weyn fara ba’an ugu hayo dadka Soomaaliyeed ee bukaanka u ah.

Waxa ay sheegtay wasiir Fowsiyo oo la hadashay VOA-da daawooyinka laga ganacsado ee TP-da ay uga sii dartay in cudurka uu bulshada ku dhex faafo, islamarkaana ay adkaato daweynta dadka uu soo ritay cudurkan.

Waxa ay sheegtay iyada oo arrimahaasi oo dhan laga hortagayo in dowladda Soomaaliya ay ku dhawaaqday inay joojisay ka ganacsiga daawada cudurka TP-da.

“TP-da waa cudurada ugu badan ee Soomaalida aadka u saameeya, waxaa naga kaalmeeya dawadooda, bukaanada dawooyinka la siiyo ee cudurkan waa daawo lacag la’aan ah, laakiin Soomaaliya waxaa ka jira dawooyin aan sax aheyn oo dalka la soo geliyo, Soomaaliya cudurkan aad ayuu u hayaa”. Ayay tiri wasiirka caafimaadka.

Wasiirka caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya Marwo Fawsiyo Abuukar Nuur ayaa waxa ay ka mid aheyd wafdiga Soomaaliya uga qeyb galay shirka golaha guud ee QM oo arrimihii looga hadlay ay ka mid ahaayeen cudurada dhibaatooyinka kala duwan ku haya dadka ku nool geeska afrika.

Like it? Share it!

Leave A Response