Aabo Lagu Helay In Uu Dilay Gabadhiisa Oo 8 Jir Ah

by admin | Tuesday, Oct 2, 2018 | 868 views

Nin gabar uu dhalay oo siddeed jir ah xabadka mindi ka galiyay isaga oo xaaskiisii hore ka aarsanaya ayaa lagu helay in uu dil gaystay.

William Billingham oo 55 jir ah ayaa mindida jikada adeegsaday si uu u dilo Mylee isaga oo iska dhago tiray cabaadkii ka kaxayay gabadha 20 bishii Janaayo.

Maxkamadda Birmingham Crown Court ayaa dhagaysatay in uu gabadha yar dilay wakhti yar ka dib markii uu hooyadeed Tracey Taundry qoorta ka saaray mindi.

Guurtidii dacwadda qaadaysay ayaa 80 daqiiqo isla eegay dacwaddo ka hor intii aysan isku raacin in Billingham uu galay labadaas dambiba.

Ninkan shaqo la’aanta ah ee warshadaha ka hawlgali jiray ayaan maxkamadda siinin wax caddayn ah wuxuuna sheegay in uusan xasuusanin in uu toori galiyay Mylee.

Wuxuu sheegay in uu galay dambi ka sahlan midka hadda loo haysto isla markaasna uu gaystay dil aan bareer ahayn maadaama oo uu qulub hayay.

Like it? Share it!

Leave A Response